Macnaha ugu sahlan ee lagu fasiri karo Suuqgeynta Casriga ah (Digital Marketing), Waa in la suuqgeeyo badeecadda, adeegyada iyo sumadda shirkadda (Brand Name), iyada oo la adeegsanayo fagaarayaasha elegtaroonikada sida; Baraha Bulshada, Websiteyada, Google-ka, iyo wax allaale wixii internet ku shaqeeya.
Suuqgeynta Casriga ah, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan:
Online Marketing, Internet Marketing ama Web Marketing.
Dhammaan eraybixinnadaasu waa kuwo isku macne dhaw, asse dadku siyaabo kale duwan u adeegsadaan. Waxaase aad u kala duwan Online Marketing iyo Online Market, oo midna uu yahay suuqgeynta badeecadda iyo adeegyada lagu suuqgeeyo shabakadda internetka; halka midka kale uu yahay suuq si online ah wax looga iibsado.
Faraqa U Dhexeeya Xayaysiiska Qadiimka ah (Traditional Marketing) iyo Suuqgeynta Casriga ah (Digital Marketing). Waa dhab in Xayaysiiska iyo Suuqgeyta Casriga ahi labadaba noqon karaan erayo uu xiriir ka dhexeeyo. Suuqgeeyayaal bada ayaa sidaas u haysta. Balse, waxaa hubaal ah in uu jiro faraq weyn oo u dhexeeya waxaana ka mid ah:
Xayaysiiska Qadiimka
Xayaysiiska caadiga ah waa offline, oo loola jeedo in uu yahay nidaam aan internetka ku shaqayn. Halka suuqgeynta casriga ah yahay online oo ay macnaheedu tahay in nidaamkani yahay nidaam internetka ku shaqeeya.
Xayaysiiska caadiga ah, waa iidhehda laga sii daayo Radiyada ama Taleefishinka ama lagu daabaco Wargeysyada ama Yello Pages-ka, Halka suuqgeynta casriga ahi farriimaha suuqgeyneed la isugu gudbiyo Internetka, Baraha Bulshada iyo Mareegaha gaarka loo lee yahay.
Xayaysiiska iyo suuqgeynta caadiga ah waa nidaam qadiim ah oo soojireen ah lana adeegsan jiray tan iyo markii ay dadku bilaabeen suuqgeyta.
Inkastoo xayaysiiska caadiga ahi uu weli leeyahay faa’iidooyin u gaar ah sida: in shirkaddaada ama badeecaddaada ay ku battaan dadka dhagahooda ama araggooda, ama si aad ah lagaaga barto magaalo gaar ah, hadana waa nidaam duug ah oo qadiim ah oo suuqgeyneed.
Waa nidaam suuqgeyneed oo ku xaddidan hal deegaan iyo dad hal meel kuwada nool. Waa nidaam kharash badan oo ku kici kara miisaaniyad culus. Waa nidaam aan lahayn halbeeg lagu garan karo tirade dadka ay farriintu gaartay.
Suuqgeynta Casriga Ah
Dhanka kale, Suuqgeyta casriga ah waxaad gaarsiin kartaa farriintaada malaayiin dad ah oo daafaha adduunka ku kala nool, Waa nidaam leh halbeegyo aad ku cabiri karto yoolka aad lahayd iyo natiijada aad gaartay. Waa nidaam aad u qiima jaban una kharaj yar.
Waa nidaam kuu sahlaya inaad la falgasho macaamiishaada si toos ah.Waa nidaam aad ku kala dooran karto deegaano kala duwan (Geo-Marketing) si aad ugu soo bandhigto farriintaada ganacsi
0 Comments